Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga mid cusub magacaabay

0
rw Rooble5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here