RAILA ODINGA: NATIIJADA DOORASHADA WAA WAXBA KAMA JIRAAN

raila odinga

Khuburada falanqeysa siyaasadda, ayaa sheegay in haatan wixii ka danbeeya la filayo in dacwad loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Kenya, taasoo daba socota diidmadii guud ee Raila Odinga, ee natiijada madaxtinimada.

Waxey haystaan kooxda Raila illaa iyo isniinta, oo ah toddobo maalmood, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.

Odinga ayaa hadda ka baxay shirka jaraa’id ee uu ku qabtay magaalada Nairobi, isagoo eedayn kulul u jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashada, Wafula Chebukati.

Wuxuu ku eedeeyay inuu doorashada u maamulo sidii kaligii talis iyo caga-jugleyn.

“Si loogga fogaado shakiga, waxaan rabaa in aan ku celiyo: Waxaan si buuxda oo aan gabasho lahayn u diidnay natiijadii madaxtinimo ee uu shalay ku dhawaaqay [gudoomiyaha guddiga doorashada] Mr Chebukati,” ayuu yiri Odinga.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey guddoomiyaha doorashada inuu caga-jugleyn ku hayo murashaxiinta doorashada, ee ay is khilaafeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here