Raila Odinga oo faahfaahin ka bixiyay hadal ay aad uga caroodeen Soomaalida Kenya

raila odinga

 Hogaamiyaha xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, waxaana kulankaas ku saabsanaa hadal maalin dhaweyd uu jeediyay Raila oo ay ka caroodeen qaar kamid bulshada ka soo jeeda Ismaamulka Mandheera.

Xoghayaha gudiga ganacsatada Islii, Cumar Axmed oo kulankaas goob joog ka ahaa ayaa idaacada VOA-da u sheegay in Raila Odinga uu faah-faahin ak bixiyey hadalkaas, kaasi oo dadka qaar u dhigeen in hoos loogu dhigayo metelaada ismaamulka Mandheera.

“Waxaa laga hadlay hadal uu dhawaan yiri oo metelaad ahaa, oo dadka si kale u qaateen, oo uu ka soo qaatay dadka degna Mandheera, taasna wuxuu yiri waxaa usoo qaatay labo meel oo midna dad yar tahay midna dad badan tahay ayey aheyd ee igama aheyn in Mandheera wax la duudsiiyo, taasna wuu cadeeyaay” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay kala hadleen Raila Odinga cabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan canshuuro xad dhaaf ah oo lagu soo rogay, maadama uu yahay hogaamiye siyaasadeed u dhuun-daloola arrimaha dalka.

“Hogaamiyaha hadda dowladda kuma jiro, laakiin waa nin Siyaasi ah oo la socda arrimaha wadanka oo mug ku leh, cilaaqad hoose ayey ku leeyihiin madaxda dowladda, markaa waxaa damacnay in aan ka faa’iideysano fursada uu haysto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here