Ra’isal wasaare Rooble oo ciidamada ammaanka faray iney gutaan waajibaadkooda qaran

rw Rooble2

Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ciidamada ammaanka ee dowlada faray iney gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka ayna ka hortagaan waxkasta oo khatar ku ah.

Ra’isal wasaare Roble oo saaka ka hadlay dagaalladi shalay galab iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka xunyahay dhibaatadi “lagu khalkhal gelinayey amniga iyo nabadda magaalada Muqdisho xilli lagu jiro bisha barakeysan ee mudan xurmadda iyo cibaadada.”

“Cidwalba waxaan farayaa in nabadda la wada ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo. Ciidamadana waxaan farayaa inay gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga khatar kasta oo dhibaata u keeni karta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada magaalada Muqdsiho,” ayuu yiri.

“Dowladda waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo isafgarad uu yahay jidka ugu haboon ee wax kasta lagu xallin karo, howshaas oo aan billaabay aniga oo rajeeynaya in aan ku guuleysan doonno insha allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here