Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aqbalay dalab horey uga yimid TPLF

abiy axmed2

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdiisu wadahadal la galeyso fallaagada TPLF.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay Abiy Axmed inuu hadalkaasi ka sheegay kulan u la yeeshay qurbajoogta dalkaasi.

Abiy wuxuu yiri “Wadahadal ayaa jiraya, heshiiskaasi oo ah mid wax walba ka hormarinaya danaha shacabka.”

Balse ilaa iyo hadda si rasmi ah uma shaacinin heshiiska uu sheegay iney dowladdiisa la galeyso TPLF.

Midowga Afrika iyo Mareykanka waxay dadaal ugu jiraan sidi ay labada dhinac wadahadal colaadda lagu soo afjarayo balse weli dadaalladasi ma noqon mid mira dhala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here