Raysal Wasaare Rooble oo xalay booqday wadooyin 10 sano xirnaa oo dib loo furay

maxamed xuseen Rooble

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kormeer xalay ku tegay Wadooyin Cusub oo Xidhnaa Muddo ku dhow Toban Sanno kuwaasi oo dib loo furay hada.

Rooble ayaa sheegay inuu Kormeer ku tagay Waddo Xidhnayd Muddo ku dhow Toban Sano oo dib loo furay, Wuxuuna xusay inuu rajaynayo inay wax wayn ka Qabato Isku socodka Caasimadda Muqdisho.

“Caawa Waxaan kormeeray howsha dib u furista waddada xiriirisa Tarabuunka iyo KM4 oo ku dhawaad 10 sano xirnayd.

Waddadan oo halbowle u ah isu socodka caasimadda waxaan rajeynayaa in ay yareyn doonto ciriirigii ay shacabku ku qabeen jidadka caasimadda.” Ayuu yidhi Rooble

Magaalada Muqdisho waxaa Mudooyinkii ugu dambeeyay laga dareemay Isbedel wayn oo dhinaca Amniga ah, Waxaa meesha ka baxay  Weeraradii iyo Qaraxyadii ay Muddo badan marti gelin jirtay magaalada Muqdisho, Waxayna uu Muuqataa Talaabada  Wadooyinka dib loogu furay in wax badan Amniga laga Qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here