Raysalwasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka Afrik

rw Rooble2

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD.

Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo.

Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynaya haldoorka ee noo diiddan nabadda iyo horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here