Reer Muqdisho oo naaneyso cusub u bixiyey Boqor Buurmadow sida Boqor Been-Madow, Tuug-Madow

0
boqor buurmadow

Tan iyo markii shacabka Magaalada Muqdisho ay ka war heleen ujeedooyinka guracan ee uu Boqor Osman Aw Mohamud Buur Madow u yimid Magaalada Muqdisho iyo meelihii laga soo diray, ayaa waxaa isbedel xoog lehi ku dhacay aragtidii ay shacabka Soomaaliyeed ka qabeen Boqorka.

Mudadii yareyd ee uu boqorku Xamar joogay waxaa laga soo sheegayaa arimo aan ku fiicnayn nin Madax dhaqameed sheeganaya, kuwaas oo ay ka mid yihii in Doorashada loo adeegsado in amaanka Muqdisho lagu khalkhal geliyo (Sida haddii doorasho la doonayo waa in qoriga la qaataa), eedii dadkii Somaliland Laascaanood ku dhacday wuxuu saaray shacabka Laascaanood (isagoo sheegaya inuu raaligelin ka bixinayo gefkii reer Laascaanood u geysteen dadkii deganaa, wuxuuna xaal u bixiyey lacag ay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu u soo dhiibeen).

Boqor Buur Madow wuxuu koonfurta Somaliya ka aaminsan yahay fekradda Faysal Cali Waraabe, ee ah inay yihiin dad WANLAWEYN AH oo loo adeegsan karo inay amaankooda iyo mustaqbalkooda burburiyaan, sidoo kale waxaa ku weyn fekerka ah, NABADA MUQDISHO WAXAY KHATAR KU TAHAY JIRITAANKA SOMALILAND, waana sababta keentay inuu waqtiga kala guurka uu Muqdisho ka howl galo isagoo adeegsanaya Musharaxiinta, waxayse u muuqataa inuu fekerkan khaldan ku hungoobayo.

Labadii Maalmood ee ugu dambeeyey waxaa baraha fadhi-ku-dirirka ee magaalada Muqdisho ku soo badanayey khaftano iyo naaneyso cusub oo loo calmanayo Buurmadow, sida BOQOR BEEN MADOW, BOQOR SHAR MADOW IYO BOQOR TUUG MADOW oo ah naaneystii la oran jiray intii aanu boqornimada sheegan, xiligaas oo loo tirinayo inay ku maqan yihiin Awr badan oo raray ahaa oo abtiyaashii lahaayeen oo inta dabarkii laga jaray Burco loo iibgeeyey.

Si kasta waxaa xaqiiqo ah inay fashilmeen ujeedooyinkii iyo hagardaamooyinkii qarsoonaa ee uu Boqor Buur-Madow Muqdisho u yimid, waxaana si weyn uga khaldanaa in shacabka Muqdisho ay ka goan tahay inay amaankooda ilaashadaan oo aan qof muraad leh oo dambe ku guuri karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here