REER SOMALILAND HA FAHMEEN INAY ODAY CALI KAGA DHEGTAY LOOMA DHAMA, DASTUURKA HALA FURO IYO MADAXWEYNE KHAATUMO

0
Cali Khaliif iyo Cadami

Qofkasta oo Profesoor Cali Khaliif Galaydh yaqaanay wuu fahmayaa inaanu Odaygu sidiisii hore ahayn oo uu gaboobay xiligii sirqowgana gaadhay.

Yaa garaysanaya Raiisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, ninkii Soomaali ugu cilmi maadiga badnaa, ayaa isagoo caadiya oo miyirkiisii iyo maankiisii qaba, ayaa marba reer ama caruur fasal ku jirta u tegaya oo leh tabliiq siyaasiya ayaan ahay, miyey macquul tahay inuu Hargeysa dhexdeeda ka sheegan lahaa Madaxweynaha Khaatumo, Dastuurka oo leeyahay hala furo wuxuu ka doonayo garan maayo, xitaa waxa uu leeyahay looma dhama waxa ka maqan ma sheegi karo.

Dadka iyo degaamadda SSC ee uu leeyahay waan u doodayaa oo masuul baan ka ahay waxba kama oga ee way ka qabsatay, xitaa ma oga dagaalkii Dhumay ee Baharsame iyo Qayaad, waxaan la soconaa in reer baadiyuhu markay sidiisa oo kale noqdaan, ay ka qabsato geel ama lo ka luntay oo ay intaas raadinayaan. Haddii la weydiiyo heshiiska uu sheeganayo qodobaddii ka fulay meesha uu mariyey kama jawaabi karo.

Markaad Akhrido Buugaagtii ay qoreen dadkii xogta hoose ee Madaxweyne Siilaanyo hayey sida Xirsi Xaaji Cali iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Prof Cali Khaliif iyo Madaxweyne Siilaanyo dad heshiisyo geli karayey may ahayn, ee waxaa dembi galay kuwii Oday Cali ku yidhi heshiis baa lagula galay.

Waxaa Cali Khaliif la mid ah Wasiir hore ee Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo 26 sano ee uu Somaliland xilka ka hayey, meel walba ka lahaa “SOMALILAND WAY DUUSHAY OO WAA LOO DHAN YAHAY, NASIIBDAROSE MARKII UU GOLIHII WASIIRADDA EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ISKA WAAYEY, SIIDAAYEY OO AY KAGA DHEGTAY LOOMA DHAMA”.

Shacabka, beelaha iyo Xukuumadda Somalilandba waxaa looga baahan yahay inay fahmaan xaalada odayaashani ku sugan yihiin, oo aanay dheg u dhigin, hal ku dhigyada ay ku hadaaqayaan, cid ay ku metelaan iyo degaan ay wakiil kaga yihiin ma jirto, waxtar ay geystaan ha joogee iyagaa xanaanayn u baahan oo gaadhay xiligii qalinkii laga dulqaadi lahaa.

WAXAY JOOGAAN XILIGII EHELKOODU QABSAN LAHAA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here