Reer Sool waxay leeyihiin Gudoomiyaha Komishanka Soomaaliya Xaliimo Yareey, kan Somaliland xaq uma laha

0
xaliimo yarey iyo madaxda beesha dhexe

Waxgarad badan oo Reer Sool ah ayaa maalmihii ugu dambeeyey isweydiinayey, war Komishanka Doorashooyinka ee Beesha Isaaq ku muransan tahay xubinteenii meedey?

Dadka arintaas ka fekeraya jawaabtoodu waa mid fudud, waxayna tahay, dadka xubnaha soo magacaaba oo taladda Somaliland haystaa waa hal beel ah, mid walibana reerkooda ayuu xooga saaraa, waxa Xisbiyada Qaranka loogu yeero waxay ku salaysan yihiin beelo, weliba waa meesha qabyaalada lagu soo bacrimiyo, Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro wuxuu soo magacaabay nin Habar Yoonis ah, kan UCID Faysal C Waraabe wuxuu keenay nin Ciidagale ah inkastoo aan markiisii horeba wax fiican laga sugeyn, halka Madaxweyne Muuse Biixina uu soo xulay xubnaha JEEGAANTA, dadka kale waxaa qaabilsanaa Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan, isagana waxay u egtahay inay saameyn ku yeesheen dagaal beeleedyadii degaamadaas iyo geelashii ay Reeruhu kala dhici jireen, maadaama uu aaga Buuhoodle ku hana qaaday.

Tan kale, Soomaalidu waa isku dhaqan, waxaa laga yaabaa in Beesha dadka wax u qaybinaysaa ay Reer Sool u tixgeliso Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dawlada Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ka soo jeeda, markaas ha iimaansadaan.

Arinta kale ee xusida mudani oo loo baahan yahay in reer Khaatumo ogaadaan, waxaa labada dhinac ka xiga waa Jabhadihii SSDF iyo SNM oo magacyo kale la baxay, inkastoo ay sheegtaan inay xaqdaro ka dagaalameen hadana iyagii wax dhaama ma sameynin, ciyaala iskuulkii Burco ee banaan baxay Dawladii Kacaanku xabad bay ugu jawaabtay, Caruurtii Laascaanood ee banaan baxay Somaliland Dhashiike iyo Shilke ayey ku caburisay, diyaarado oo aan la haysan baa dhiman, mida kale qolo waliba waxay leeyihiin xeer u gaar ah oo xayawaanada qaarkood leeyihiin, SSDF waxay leeyihiin xeerk Bisadaha, halka qoladan dhexe ee Somaliland ay leedahay xeerka Libaaxa, kaas oo markuu raq helo aan isu nixin, oo isku dila ilaa intuu ka dhameysanayo ama ka dhergayo, markaa Reer Khaatumo ha sugeen intay raqda ka dhameysanayaan oo caqligu soo noqonayo.

Waxaa Umadda Soomaaliyeed, hay’ada Xuquuqul Insaanka iyo Beesha Caalamka ku waajib ah inay cambaareeyaan oo wax ka qabtaan Xariga loo geystay Afhayeenkii Xisbiga Waddani, Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, xarigiisu wuxuu la mid yahay qafaalkii lagu sameeyey Xildhibaan Dakool, waana dhibaato handadaad iyo baqdin gelin ah oo loo geysanayo masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta aan Isaaq ka soo jeedin iyo kuwa beelaha la haybsooco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here