Riyo-raacow haddii Madaxweynihii, Xisbiyadii iyo Baarlamaankii xal waayeen adigu iscasil waa fursad qaaliya

0
riyoraac baarlamaan xisbiyada somaliland

Labadii sano ee tegay Somaliland waxay ku dhameysatay muranka 7 xubnood ee gudiga Doorashooyinka, hadana waxay u muuqataa inay bilowday 2 sano oo Rico-raac ah, arintani waa nasiibdarro shacabka ku habsatay.

MURANKA GUDIGII HORE IYO SIDUU KU BILOWDAY:

Muranka gudigii hore wuxuu bilowday markii la ogaaday natiijadii doorashadii Madaxtooyadda, waxaa bilaabay Xisbiga Waddani, ma jirin wax cadeyn la taaban karo oo musuqmaasuq muujinaya oo gudiga doorashadda lagu eedeeyo, waxay ahayd raad gadasho iyo handoodil lagu qarinayo guuldaraddii Xisbiga iyo hogaamin xumaddii Cabdiraxmaan Cirro, oo kari waayey inuu sidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo si sharaf leh uu taageerayaashiisa ugu wargeliyo in doorashaddii lagaga guuleystay. Intaas waxaa dheer koox caasiyiin ah oo aan duco kaga imaan Siilaanyo oo doonaya inay Xisbiga Waddani gabaad ka dhigtaan, kuwaas oo talooyinka dhanka guracan ka haaneeda.

Madaxweyne Muuse Biixi wuu ku saxnaa inuu diido in gudiga oo aan waqtigeeda dhameysan la kala diro, waayo waxa Waddani kula hadlayey waxay ahayd waad na boobtay oo dadban, xaq buuna u lahaa inuu diido.

RIYO-RAAC IYO GUDIGA CUSUB:

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa FAAL CAYTAMAY AFKA LAGAMA DHOWRO, Madaxweynu waa odaygii Somaliland ma ahayn in xubnihii uu soo magacaabay ay muran dhaliyaan, taa bedelkeeda waxaa loo baahnaa inay noqdaan kuwa ugu haboon, siduu uga jawaabayeyna ma ahayd wax laga sugayey Odaygii dalka, waana ayaan daro in muran kale bilowdo, dalka iyo midnimaddiisa uma fiicna, weliba Somaliland maanta maalin ay midnimo uga baahi weyn tahay ma jirto, mana fiicna in dil dilaaci doorashada uu mid kale dul fuulo.

XAL MURANKA IYO SAAMEYNTA RIYO-RAAC:

Xal ugu fudud maanta wuxuu ku jiraa gacanta Mr. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), waana fursad qaali ah oo mustaqbalka shaqada uu maanta isku dhejinayo uga faa’iido badan, mar haddii xalinta murankan ay ku guuldareysteen Madaxweynihii, Xisbiyaddii iyo Baarlamaankiiba, hadaad maanta dadka kala furatid oo iscasisid waxaad gelaysaa taariikhda, weliba waxaad xaq u yeelanaysaa in lagu siiyo derajada Mujaahid oo qolyihii horey u sheegan jiray aanay dhameystirayn ilaa Somaliland la aqoonsado oo ay gooni isutaagto.

Ugu dambeyn Cabdirashiidoow fursadan oo kale waxaa hela nin nasiib badan, ninkii ka faa’iidaysan waaya oo waxa maanta jooga ka qiimeeyaa mar dambe ma soo marayso, kuumana fiicna inaad garsoore u noqotid qof aan kugu kalsoonayn, weliba waxaa khatar ku jira nafaha dad aan waxba galabsan.

Talladani maaha mid loogu talo galay qolyaha dastuurka ee waa suluxa bulshadda.

Osman Ibrahim Warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here