Roobab khasaare dhaliyay oo ka da’ay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

roobab dds ethiopia

Waxaa hakad uu ku yimid isu socodka gaadiidka iyo dadka u kala goosha magaalada Godey iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Shabeelle kadib markii ay go’day buundada tuulada Laab kadib markii ay burburiyeen roobab xooggan oo toddobaadkan halkaas ka da’y.

Sidoo kale roobabka waxay burburiyeen buundo isku xirta qeybo kamid ah gobolka Qoraxey.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay roobab mahiigaan ah ay ka da’een Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here