Roobabkii gu’ga oo ka curtay meela kamid ah Puntland

Iyadoo degaannada Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyadaba saamaysay ayaa xalay meelo kamid ah Puntland waxa ka da’ay roobab lagu diirsaday.

Tuulada Ceeli oo qiyaastii 40km dhanka bari ka xigta magaalada Qardho ee xarunta gobolka  Karkaar ayaa xalay roobsatay kadib markii hogol biya-qaad ah ku hoortay tuuladaasi iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Roobka Ceeli iyo nawaaxigeeda  ka da’ay ayaa buuxiyay  guud ahaan dhulka biya-qabatinka leh iyo balliyada iyadoo halkaasi ay ka jirtay abaar iyo biya la’aan daran.

Tuulada Xaar-xaar oo ka tirsan degmada Buurtinle iyo miyiga hoos yimaada tuulada ayaa xalay roobsaday sida uu sheegay qof gaari ku soo maray laamiga.

Sidoo kale  degaannada Puntland qaarkood ayaa saaka lagu waaberiistay daruuro biyaysan oo cirka ku marriiman.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.