Rooble oo qoraal deg deg ah kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday Afisyooni

rw Rooble5

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo deg deg ah u diray Guddoonka Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT oo maanta isku doortay Muqdisho.

Qoraal daqiiqado kadib kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dardar galiyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waanwaantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland oo ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isulwasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  maanta oo Sabti ah is doortay.  Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here