RUUSHKA IYO SHIINAHA OO DHOOLATUS CIIDAN WADA SAMEYNAYA

russia and china flags

Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

“Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda 

Diyaaradaha Ruushka ee gantaallada xambaara ee TU-95 iyo kuwa Shiinaha ee Xian H-6 ayaa dul maray Badda Japan iyo Badda Bariga Shiinaha muddo sideed saac ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Kadib markii laga go’doomiyey Reer Galbeed tan iyo duulaankii Ukraine, Putin ayaa raadiyey inuu xoojiyo xiriirka Asia, gaar ahaan Shiinaha. 

“Markii ugu horreysay taariikhda roondada hawada, diyaaradaha Ruushka waxay soo cago dhigteen Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, halka diyaaradaha Shiinaha ay cago dhigteen dhulka Federaalka Ruushka,” ayey tiri wasaaradda.

Dhoolatusyada ayaa la fuliyay “iyado si adag loo raacayo sharciga caalamiga ah” kumana “wajahneyn dalal saddexaad,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Moscow ayaa rajaynaysa inay hesho wax ay isla wadaagaan Beijing maadaama labadooduba ay leeyihiin hammi ah inay ka gudbaan kala dambeynta caalamka ee Mareykanka uu hoggaamiyo.

Shiinaha ma cambaareyn howlgalka miltari ee Ruushka uu ka wado Ukraine, balse inkasta oo uu kala dhaxeeyo “xiriir aan xadidneyd,” haddana Beijing waa ay diiday in hub siiso Moscow.

Gobolka Asia-Pacific waa mid istaraatiiji u ah Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. 

AFP, VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here