Ruushka oo farriin u diray dowladda UK

sergei levrov

Ku dhawaad afar bilood ayaa kasoo wareegay markii uu billowday Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine. Kumannaan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkan, magaalooyin badan ayaana ku burburay halka ay malaayiin barakaceen.

Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa wareysi uu Khamiistii BBC-da siiyay ku sheegay in xaaladdu aysan ahayd sida ay u muuqato.

Mar kale ayuu yiri; “Annagu weerar kuma aannaan qaadin Ukraine.”

“Waxaan ku dhawaaqnay howlgal militeri oo khaas ah, sababtoo ah ma jirin waddo kale oo noo furnayd oo aan Reer Galbeedka uga dhaadhicinno in tallaabada Ukraine loogu riixayo Nato ay tahay fal ambiyeed,” ayuu yiri Lavrov.

Xayiraadda la saaray Lavrov

Sargei Lavrov ayaa 18-kii sano ee lasoo dhaafay Ruushka ku matalayay shirarka caalamiga ah iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Balse waddamada reer Galbeedka ayaa cuqabatayn kusoo rogay wasiirkan iyo gabadhiisa kaddib markii uu dagaalka Ukraine qarxay.

Mareykanka ayaa Lavrov si gaar ah ugu eedeeyay in uu mas’uul ka yahay dagaalka Ukraine, maadaama uu xubin ka yahay Golaha Amniga ee Ruushka.

Waxa ay sidoo kale ku dhaliileen in uu jeediyo hadallo been abuur ah oo ku aaddan xaaladda Ukraine iyo marka wax laga waydiiyo weerarka.

Wareysiga uu siiyay BBC-da ayaa Sargei Lavrov lagu waydiiyay arrimaha ku saabsan xiriirka Britain iyo Ruushka.

“Waxaan kuu sheegeynaa in Ruushka uu Britain galiyay liiska waddamada aysan saaxiibtinnimada kala dhaxeynin,” ayuu yiri.

Lavrov ayaa sii watay hadalkiisa: “Uma malaynayo in wax badan hadda la qaban karo. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Liz Truss ayaa si cad u sheegay inay khasab ku tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen Ruushka, kaddibna jilbaha dhulka ugu dhigi lahaayeen. Bal hadda eeg, na tusa inaad sidaas samayseen.”

Intii uu wareysiga socday waxaa wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Moscow la watdiiyay su’aal ku saabsanayd dilka labo muwaadin oo reer Britain ah, oo lasoo tebiyay inay dileen gooni u goosad raadiska Ruushka taageersan ee Ukraine.

“Waxba igama galin waxa ay ku fikirayaan Reer Galbeedka. Waxaan ogahay oo kaliya in shuruucda caalamiga ah ay dhigayaan in kooxaha calooshood u shaqaystayaasha ah aan loo aqoonsanayn ciidan qaran.”

Eedeyn uu BBC-da u jeediyay

Kaddib Lavrov waxa yy cambaareeay BBC-da oo uu ku dhaliilay in aysan runta ka sheegin waxa dhacayay markii ay ciidamada Ukraine siddeed sano duqaynayeen carruurta ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha gooni raadiska ah ee bariga Ukraine.

Ruushka ayaa Ukraine ku eedeynaya in ay ku kacday xadgububyada ka dhanka ah bani’aadannimada.

Hase yeeshee, sida laga soo xigtay saraakiisha maamulka iskood madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee taageerada ka haysta Ruushka ayaa sheegay in sanadkii 2021-kii siddeed rayid ah lagu dilay deegaannada ay joogaan kooxaha fallaagada halka sanadkii 2020-kii lagu dilay toddobo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here