Ruushka oo tijaabiyay gantaalka aysan ishu qaban karin

missile russia

Ruushka ayaa shalay ku guuleystay tijaabinta hub lagu magacaabo Zircon ee sida aadka ah u dheereeya kaas oo ay ciidamada badda ka ganeen gudaha markab gujis ah, sida ay sheegeen militariga dalkaas.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa oo amaanay hubkan casriga ah wuxuu ugu magac daray ‘il-ma-qabato’.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in markaba gujiska ee Nukliyeerka (Severodvinsk) laga tuuray labo gantaal oo ah nooca Zircon, ayna ku dhaceen badda Barents.

Madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa sheegay in hubkan uu 9 jeer ka dheereeyo guuxaha diyaaradaha uuna jari karo masaafo gaareysa 1,000 Km.

Wuxuu sidoo kale Putin tilmaamay in tijaabinta hubkan uu ka qeybqaadan doono xoojinta awoodda militari dalkiisa.

Saraakiisha Ruushka waxay sheegeen in tijaabada hubka Zircon la soo gabagabeyn doono dabayqaada sannadkan, halka sannadka soo socda ee 2022 ay si buuxda ula wareegi doono ciidamada badda ee Ruushka.

Hubkan ayaa ka mid ah dedaallada Ruushka uu sare ugu qaadayo awooddiisa militari, wuxuuna ka mid yahay hubka aadka u dheereeya ee uu sameysanayo Ruushka.

Horraantii sannadkan ayay aheyd markii uu Ruushka soo saarey gantaal cusub oo aan la arki karin, sida laga soo xigtay Madaxweyne Vladimir Putin.

Mudane Putin ayaa sameeyey shaacinta gantaalkan casriga ah, ka dib markii uu aasaaska u dhigay yoolal siyaasadeed, isagoo markii afraad uu tartamaya xilka madaxweynaha.

Ruushka waxaa ka dheceyso doorasho, 17 maalmood gudahood taas oo la filayo in Putin uu ku guuleysto.

Madaxweyne Putin wuxuu ka qeyb qaatay bandhig dhanka hubka ah; waxaa ka mid ahaa gantaal gaari kara “dunida oo dhan, meel walboo ay ahaataba”.

Iyadoo uu isticmaalayey sharaxaad kombuutar ah, wuxuu sheegay madaxweyne Putin in gantaaladan aanay qaban karin dayax gacmeedyada difaaca ee Mareykanka ee yaalla Yurub iyo Aasiya.

Wuxuu ku faanay in ay soo saareen hub awood u leh xambaarida nukliyerka, sida gantaalka Cruise-ka iyo markabka gujis ah ee biyaha hoostooda quusa, ee aan cidna aanay wadin.

Intii ay socotay khudbada labada saacadood ee laga baahinayay telefishinka ee uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, wuxuu Vladimir Putin ku dhiirigaliyey dadweynaha Ruushka in ay erey bixin u sameeyaan labadda nooc ee hub ee la soo saaray.

Wuxuu ku doodey in Ruushka uu ka fal celinayo sannadaha badan ee Mareykanku uu dhagaha ka fureysanayay codsiyo badan oo kusaabsan in aanu jabin heshiiska difaaca gantaallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here