RW Kheyre oo digniin xooggan u diray ganacsatada dalka

kheyre 2020

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin xooggan u jeediyey ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo uga digay inay kordhin qiimaha maciishadda dalka

Kheyre ayaa arrintan sabab uga dhigay maadaama shalay ay dhaqan gashay canshuur dhaaf ay dowladda u sameysay maciishadda daruuriga ah ee dalka lasoo geliyo.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yimid ayada oo ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inay yaraato maciishadda dalka soo gasha, sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasina ay horseedo in ganacsatada ay sare u qaadaan qiimaha maciishadda, kadibna ay dhalato xasarad xagga cuntada ah.

Si arrintan looga hortago, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay maalinkii Talaadada ku dhowaaqday in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada.

Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus.

Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here