RW Kheyre oo Golaha shacabka u gudbiyay xeerka maamul xulidda agaasinka Bangiga dhexe

farmaajo furitaank2aad baarlamaan9

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe oo Golaha Wasiirada wadar ogol ku ansixiyeen.

Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahaana qodobka 130 aad, Waxaana la doonaYaa in dib u eegis lagu sameynayo qodobkaasi.

Golaha wasiirada ayaa si KMG ah wadar ogol ku ansixiyay sharcigan, waxaana la doonayaa in golaha shacabka ay meel mariyaan, haddii baarlamaanka ay wax kabadalaan kadibna ansixiyaan ayaa waxay ka dhignaan doontaa in ruux ajnabi ah uu qaban karo xilka guddoonka Bangiga Dhexe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.