RW Kheyre oo kulan la qaatay wefdi ka socday Dalka Kenya

kheyre iyo wefti kenya

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan uu xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre la qaatay wefdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray Ra’iisul wasaaraha, kaaliyaha wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Namwamba iyo agaasimaha nabadda iyo amniga ee wasaaradda, John Kilonzi.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xiriirka sii xumaanaya ee labada dal iyo kiiska Badda.

Ababu Namwamba ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ki yiri “Wada hadal ayaa la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.”

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ku aadan shirkaasi.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kaas oo ka dhashay kiiska Badda oo ay haatan dawacdiisu hor taallo ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here