RW Kheyre oo la kulmay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

kheyre iyo Nicolas Berlanga

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga xilli uu dhawaan kasoo laabtay safar maalmo qaatay uu ku joogay wadanka Qatar.

Shalay ayuu Xasan Cali Kheyre kasoo laabtay Doha iyadoo ay halkaas kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Inkastoo kulanka uu la yeeshay maanta Nicolas Berlanga uusan aheyn mid horay looga warqabay ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya waxaana ugu waaweynaa arrimaha doorashada oo ay dood badani ka taagan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegayaa inuu Safiirka Midowga Yurub kala hadlay arrimo kale oo ku saabsan dib u habeynta Amniga iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta oo heerar fiican lasoo gaarsiiyay.

QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale dhowaan la kulmay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaga oo ka codsaday in la joojiyo kulamada baarlamanka ee lagu ansixinayo qodobada doorashooyinka illaa xal siyaasadeed ay ka gaaranayaan dowladda iyo maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here