RW kuxigeen Mahdi oo qaabilay ergeyga dowladda Qatar

rwx Mahdi iyo Qatar Mutlaq al Qahtani

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa qaabilay ergeyga ka socda dowladda Qatar, Dr Mutlaq al-Qahtani, kaas oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo kor u qaadida taageerada Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya 2021-ka.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka caawiso dhinacyo dhowr ah.

Dr Mutlaq al-Qahtani oo maalmhan ku sugnaa Muqdisho ayaa horey ula kulmay madaxda sare dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here