RW Rooble oo ku baaqay in dadkii barakacay ay guryahooda ku soo laabtaan

maxamed xuseen Rooble

Raiisaulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabkii ku barakacay qalalaasihii Magaalada Muqdisho ka dhacay ugu baaqay inay guryahoodii dib ugu soo noqdaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan.

Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan.

Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here