RW Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey Fahad Yaasiin

rw Rooble2

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac  “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Rooble ayaa Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe.

Rooble ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu shaq ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Wuxuu sidoo kale adeegsaya qodobka 127-aad ee dastuurka ee ka hadlaya inay ciidamada dhex-dhexaad ka noqdaan siyaasadda, wuxuuna sheegay in Fahad uu ku milmay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Rooble ayaa dhanka kale xusay warqaddii uu Fahad soo saaray habeenkii Isniinti ee uu ka madax-adeegay amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda uga soo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, muddo 48-saac gudaheed ah.

Warqadaas ayuu Fahad kaga dalbaday Rooble in la fariisiyo Golaha Amniga Qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrinta Ikraan, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen amar-diido Fahad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inaanu warbixin siin doonin. 

Golaha Amniga Qaranka waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.

Muddada 48-saac ah ee uu Rooble u qabtay Fahad inuu ku keeno warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa ay ku ekeyd qiyaastii 7:00pm ee xilliga Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kamaay inuu baaris rasmi ah ku sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here