RW Soomaaliya oo Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo G Banaadir ugu baaqay Shirka Wadatashiga

rw Rooble5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20-ka bishan May ka dhici doona Muqdisho.

Lama garan karo in Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ay u aqbalayaan sida fudud ee RaiisulWasaaruhu u martiqaaday, iyadoo aan shirka lagaga wada hadli doonin qodobadii ay ka cabanayeen.

Waxaa jira arimo badan oo u baahan in meel la isla dhigo, sida Caasimada oo noqotay magaalo reer loogu marti yahay, ciidamada dhinaca ka raran, 13-kii xubnood ee aqalka sare ee Farmaajo sadbursiinyaha u siiyey beesha Xamar sheegata iyo degaanka doorashadda lagu qabanayo, maadaama uu xumaaday amaankii magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here