Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi M Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirada dawlada UK u fadhiga Soomaaliya Mrs. Kate Foster.
Mahdi ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhiga ku yiri.
“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Mrs. Kate Foster, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani’aadminimada”.