Saacad la sheegay in uu lahaa Hitler oo lacag badan lagu iibsaday

saacad hitler

Saacad la sheegay in uu lahaan jiray hoggaamiyihii Nazi-ga Jarmalka, Adolf Hitler ayaa lagu iibiyay 1.1 milyan oo doolar kaddib markii lagu xaraashay dalka Mareykanka.

Saacadda oo laga iibiyay qof aan magaciisa la shaacin oo ka mid ahaa dadkii ku tartamay ayaa waxa ku xardhanaa astaanta Naasiga Jarmalka iyo xarfaha AH.

Hoggaamiyeyaasha Yuhuuda ayaa cambaareeyay xaraashka saacaddaasi ka hor inta aan lagu xaraashin Alexander Historical Auctions oo ku taal gobolka Maryland.

Shirkadda goobteeda lagu xaraashay ayaa sheegtay in ujeedadeedu tahay in la keydiyo isla markaana la ilaaliyo taariikhda.

Adolf Hitler ayaa hoggaaminayay Naasigii Jarmalka intii u dhaxaysay 1933 ilaa 1945, waxa uuna abaabulay laynta dad gaaraya 11 milyan oo qof – lix milyan oo ka mid ahna loo dilay in ay  ahaayeen dad Yuhuud ah.

Buugga macluumaadka saacaddani ayaa lagu sheegay in ay suurtagal tahay haddiyad dhalasho ahaan saacaddaasi loo siiyay hoggaamiyihaasi Faashiistaha ahi saandkii 1933-kii, waana sanadkii uu noqday hoggaamiyaha Jarmalka.

Saacaddan ayaa la sheegay in ciidamo milatari ah oo 30 askari ah ay soo qaadeen oo ay keydiyeen bishii Maarso sanadkii 1945, kaddib markii ay weerareen Berghof oo ahayd xaruntii Hitler.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay saacaddani waxay soo martay gacmo badan oo kala iibsaday ilaa hadda oo u dambeysay.

saacad

Waxyaabaha kale ee halkaasi lagu xaraashay waxaa ka mid ahaa dhar ay lahayd xaaskii Hitler, Eva Braun, sawir gacmeedyada saraakiishii Naasiga iyo maro jaale ah oo lagu xardhay ereyga “Jude” oo ah luuqadda Jarmalka loolana jeedo Yuhuud.

Xilligii la leynayay dadka Yuhuudda ahi ayaa waxaa loo xiri jiray dhar jaale ah, si looga aqoonsado dadka kale isla markaana loo dhibaateeyo.

Warqad ay saxiixeen 34 ka mid ah hoggaamiyayaasha Yuhuuda ayaa waxay xaraashak saacaddaasi ku tilmaameen mid laga naxo, waxa ayna codsadeen in alaabtii Naasiga Jarmalka laga soo saaro xarumaha xaraashka.

Menachem Margolin, oo ah guddoomiyaha ururka Yuhuudda ee Yurub ayaa sheegay in xaraashkaasi uu kaalmo u yahay  dadkii qaddarinayay afkaarta xisbigii Naasiga.

Shirkadda Alexander Historical Actions waxay sheegtay in ujeeddadeedu ay ahayd in la ilaaliyo taariikhda oo la keydiyo, iyo in inta badan alaabta la iibiyo lagu hayo goob gaar loo leeyahay ama loogu deeqo matxafyada lagu xuso xasuuqii loo geystay dadyowga Yuhuudda ahi xilligii Naasiga.

Dukumeentiyada ay shirkaddani shaacisay ayay ku sheegtay in aysan hayn caddaymo ah in Hitler uu dhab ahaantii soo xirtay saacaddani. Balse daraasad uu sameeyay khabiir madax-bannaan ayaa ku soo gabagabeeyay in ay u badan tahay in Hitler uu lahaa saacaddaasi.

In kasta oo saacaddani lagu iibiyay in kabadan hal milyan oo doolar, haddanan waxay hoos uga dhacday qiyaasta ahayd in lagu iibiyo ilaa laba ama afar milyan oo doolar, sida lagu sheegay warbaahinta jarmalka ee Deutsche Welle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here