Saamiya Suluhu Xasan oo la filayo in ay madaxweyne ka noqoto Tanzania

Mama Saamiya Suluhu Xasan

Mama Saamiya Suluhu Xasan oo madaxweyne ku xigeenka Tanzania ahayd, tan iyo 2015-kii, ayaa la filayaa in ay xilka madaxweynaha la wareegto ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaas, John Magufuli.

Saamiya waxay xilka sii hayn doontaa inta ka dhiman muddada madaxweynaha oo ah illaa 2025, sida uu qabo dastuurka Tanzania.

Waxaa la filayaa in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka ugu sarreeya ee Tanzania. Sidoo kale waxay noqoneysaa madaxweynihii labaad ee Tanzania ee ka soo jeeda Zanzibar.

Madaxweynihii ka soo jeeday Zanzibar ee xilka kaga horreeyay wuxuu ahaa Cali Xasan Mwinyi, kaas oo dalkaa hoggaaminayay muddo 10 sano ah – 1985 illaa 1995.

Waana markii ugu horreysay oo Tanzania uu ka dhintay madaxweyne xilka hayay, laguna bedelayo madaxweyne ku xigeenka.

Haddaba, waa tuma Mama Saamiya?

Sannadkii 2015-kii, xilligii ololihii doorashada, kooxdii ay Saamiya Suluhu Xasan ay hor keceysay ee xisbiga CCM, waxaa lagu soo bandhigay heeso ay qaadeen fannaaniin caan ah. Waxay u tartameysay xilka madaxweyne ku xigeenka.

Markii hore dad badan ayaa kaga baqayay dumar ahaan iyo sida haweenka loo xushmeeyo – balse si ay ugu muuqato qof dadka u dhow, waxay ka dalbatay in ay hal magac ugu yeeraan – waxay ahayd Hooyo ama Mama.

Markaa wixii ka dambeeyay, ololeheedii doorasho wuxuu noqday mid dad badan soo jiitay – si ka duwan musharrixiintii kale ee ka soo horjeeday.

Dad badan oo reer Tanzania ah, magaca Saamiya Suluhu Xasan (oo 60 sano jir ah), wuxuu u noqday mid ay aad u garanayaan ka dib markii loo magacaabay in ay u tartanto xilka madaxweyne ku xigeenka, sannadkii 2014-kii.

Xilligii Tanzania ay hirgelineysay dastuurka cusub – ka dib markii la dhammeeyay latashigii dadwaynaha – Mama Saamiya waxaa loo xilsaaray meelmarintiisa ee dhanka golaha Baarlamaanka.

Maadaama Baarlamaanka si toos ah uuTV-yada shacabka ugala hadlaayay – oo dad badan oo reer Tanzania ah u hamuun qabeen in ay helaan xog dhameystiran – Saamiya wejigeeda wuxuu noqday mid dastuurka ku lamaanan, waxaana meeshaas ka soo muuqatay awooddeeda hoggaamin.

Taa waxay ahayd muuqaalkii shacabka ay ka haysteen. Sidoo kale gudaha baarlamaanka waxaa looga arkayay in ay tahay qof deggan, xitaa marka ay doodo kulul jireen.

Ka dib waxay hanatay xilka guddoomye ku xigeenkii xisbiga talada haya, maadaama uu sidaa dhigayo sharciga xisbiga, ayna ahayd qofka ugu firfircoonaa ee ka soo jeedo Zanzibar.

Sikastaba, dad badan ma aysan fileynin in madaxweynihii isbedel doonka ahaa ee geeriypooday, John Magufuli, uu Saamiya ka dhigto madaxweyne ku xigeen, sannadkii 2015-kii.

In kastoo khibrad 15 sano oo heer wasiir ah ay lahayd, baarlamaanka na ay ka mid ahayd, haddana dad badan ma aysan u arkeynin in Magufuli uu xulan doono iyada.

Markii xisbiga talada haya ee CCM uu doorashada ku guuleystay, sannadkii 2015-kii – taa oo ahayd middii ugu adkeyd ee xisbigaas uu galay – Saamiya waxay dhigtay taariikh cusub, waxayna noqotay madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee dumar ah ee Tanzania yeelatay.

Sirta ku jirta guusha Saamiya

Mid ka mid ah arrimaha wanaagsan ee dadka la soo shaqeeyay ay ku sheegeen – balse aysan ka warhayn dadka kale – waa xirfaddeeda wanaagsan ee dhanka hoggaaminta.

Xildhibaan ay isku xisbi yihiin oo lagu magacaabo January Makamba, wuxuu sheegay in Saamiya ay ka mid tahay siyaasiyiinta ugu howlkarsan ee uu la soo shaqeeyay.

Makamba wuxuu Saamiya la shaqeynayay laga soo billaabo 2015 illaa 2020, wuxuuna wasiir ka yahay xafiiskeeda madaxweyne ku xigeen – wuxuuna si toos ah ugu xiran yahay Mama Saamiya.

“Dadka si wanaagsan uma arkaan Mama Saamiya. Waxay leedahay karti wayn, balse waxay u muuqataa siyaasi iska caadi ah. Runta waxay tahay in ay leedahay awood wanaagsan. Ma ahan arrin la iiga warramay ee waa mid aan aniga khibrad u leeyahay,” ayuu yiri.

Mama Saamiya waxaa lagu tilmaamay in ay tahay qof go’annada gaara ka dib wadatashi ay la sameyso dadka kale, “mana ahan qof go’aan iska qaata ama dadka ku qasba waxa ay dooneyso”.

Saamiya waxaa sidoo kale lagu tilmaamay siyaasi geesi ah oo aan ka gaban waxa ay aaminsan tahay. Sida la sheegayo, sababaha ay ku muteysatay xilka madaxweynaha na waxay ahayd heerkeeda waxbarasho iyo geesinimadaas.

Maadaama Magufuli yahay qof aaminsan degdegga iyo in si dhaqso ah wax kasta lagu dhammeeyo, xitaa haddii dadka niyaddooda ay dhaaweceyso, hadda CCM waxay u baahnaayeen qof runta u sheega oo aan ka baqeynin – halkii la keeni lahaa qof iska aqbalaya wixii uu Magufuli dhahaba.

Taariikhda Saamiya oo kooban

Mama Saamiya waxay seygeeda, Hafidh Amiir, is guursadeen sannadkii 1978, waxayna isu dhaleen afar canug.

Wiilkeeda ugu caansan Wanu, waa xubin ka tirsan baarlamaanka Tanzania.

Saamiya waxay Maamulka iyo Maareynta ka kala baratay Jaamacadaha Manchester ee Britain iyo Mzumbe oo ku taalla Tanzania.

Markii ugu horeysay ee dowladda ay u shaqeysay waxay ahayd sannadkii 1977, ka dib sare ayey u sii kacday, waxayna noqotay Sarkaal dhanka qorsheynta qaabilsan, muddadii u dhexeysay 1987 illaa 1988.

Sidoo kale, waxay noqonay Madaxa Barnaamijyada Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Zanzibar, 1998 illaa 1999.

Saamiya waxay sheegtay in guusha ay gaartay aysan u fududeyn sida ay u muuqato.

“Safarkeygii dhanka siyaasadda wuxuu ahaa mid dheer oo guuleystay. Ma fududa in aad qaaddo masuuliyadda qoyskaaga, aadna ku sii socoto nolol siyaasadeed iyadoo ay kuu dheeryihiin waxbarasho iyo masuuliyado kale,” ayey tiri Mama Saamiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here