Saddex dal oo saameyn ku leh Soomaaliya oo aan weli ka hadlin doorashada Xasan Sheekh

xasan sheekh2

Waxaa isa soo taraya hambalyada loo dirayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dalalka iyo haatan hambalyada u diray waxaa kamid ah UK, Jabuuti iyo Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa jiraa waddamo ilaa haatan aan ka hadlin natiijada doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaana kamid ah Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 214 cod, halka murashaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here