SADEX DAL OO YURUB AH EE OGOL BAASABOORKA SOOMAALIYA

passport somalia

Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay’adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

Talyaaniga

Dadka heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa marka ay dalbadaan dal-ku-galka Talyaaniga waxaa baasaboorkooda si caadi ah loo saaraa fiisaha.

Dalal badan oo kale ayaa qofka Soomaaliga ah aan baasaboorkiisa ku dhajinin fiisada, iyagoo warqadda caddeynta fiisaha si gaar ah u siiya. Dowladaha sidaas sameeya waxaa ka mid ah UK, inta badan dalalka Yurub, Canada, Australia iyo Mareykanka.

Waxaa xusid mudan in Talyaaniga uu ka mid yahay gumeysteyaashii Soomaaliya, sidoo kalena yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Soomaaliya.

Norway

Tan iyo bartamihii sanadkii 2018-kii, dalka Norway ayaa aqoonsan baasaboorka ay dowladda Soomaaliya siiso muwaadiniinteeda.

Dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aqbashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda (Visa), haddii uu shuruudaha kasoo baxo.

“Wada-shaqayn dhow oo ay yeesheen mas’uuliyiinta socdaalka ee Norway iyo Soomaaliya awgeed, Norway waxay aqoonsan doontaa Baasaboorka Soomaaliya laga billaabo 1-da bisha August 2018. Waxaa ku jira baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda iyo baasaboorka muwaadiniinta caadiga ah ee ay soo saarto waaxda socdaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal markaas ay safaaradda Norway ee Soomaaliya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.

Waddamada kale ee Yurub, UK iyo dalal badan oo kale waxay baasaboorka Soomaaliya dadka wata u aqoonsan yihiin qaxooti, haddii ay dal-ku-gal u oggolaadaanna kuma dhajiyaan baasaboorka.

Taas baddalkeeda waxay soo raaciyaan warqad caddaynaysa in fiisaha la siiyay qofka, macluumaadkiisana ay ku xusan yihiin.

Sweden

Hase yeeshee, dowladda Sweden ayaa si gaar ah u qaddarisa baasaboorka Soomaaliga ah ee noociisu uu yahay diblomaasiga.

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkii 2020-kii, Sweden waxa ay aqoonsanayd baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, gaar ahaan kan la soo saaray 2014-kii ama wixii ka dambeeyay.

Balse, dhammaan noocyada kale ee baasaboorka Soomaaliga ma aqoonsana Sweden, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee safaaradda Sweden.

Waddamada Latin America ee fiiso-la’aan lagu tagi karo

Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu aadi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama fiiso ah loo qaadanin.

Dalalkaas ayaa kala ah:

  • Bolivia (oo qofka markii uu garoonka dalkaas ka dago la siinayo fiisada)
  • Dominica
  • Haiti
  • St. Vincent and the Grenadines

Waxaa jira waddamo kale oo sidaas si la mid ah soo dhaweeya muwaadiniinta Soomaaliya.

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tikit goosto, toosna ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Waxaa ka mid ah:

  • Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.
  • Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.
  • Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.
  • Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.
  • Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Oceania oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabbaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.
  • Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here