SAFAARADA MAREYKANKA OO KA CABATAY DHAQANKA CIIDAMO SOOMAALIYEED

Larry Andre us amb

Warqad loo dusiyay warbaahinta oo si gooni ah ugu socotay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, ayaa safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay uga cabatay ciidamada Soomaaliyeed ee ilaalada qaaska u ah ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur-galbeed, iyaga oo ku tilmaamay “dhaqankooda mid aan la aqbali karin”.

Safaarada Mareykanka ayaa ka cabanaysa arrin ka dhacay xafladda sagootinta danjiraha Mareykanka ee xilkiisu dhammaaday, Larry Andre, oo lagu qabtay gudaha Xalane, qeybta dublumaasiyiinta ee Diplomat Freight Service (DFS). Xafladda ayaa dhacday 17 kii bishaan May.

Waqradda ayaa lagu yiri: “Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed…waxay bahdileen xubno kamid ah kooxdeenna ammaanka qaabilsan”.

Sidoo kale waxay safaaradu sheegtay in ilaalada labada masuul ay hub ula soo baxeen, una gacan qaadeen saddex xubnood oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda.

Safaaradda ayaa warqadaan ku dalbatay in la ganaaxo ciidamada falka geystay.

BBC Somali waxay la xiriirtay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, si ay wax uga waydiiso cabashadan ay ka gudbiyeen ciidmada Soomaaliyeed. Balse waxay noo sheegeen in aysan dooneyn in ay si shaacbaxsan uga hadlaan arrimaha quseeya xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya waddamada.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya, ayaa BBC Somali u sheegay inay cabashada Mareykanka soo gaartay, laakiin aysan weli ka jawaabin. Magaciisa ayuu ka gaabsaday maadaama uusan fasax u haysan in uu arrimahan kala hadlo warbaahinta.

Xiriir aan la sameynay Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse, nooma suurtogalin in aan jawaabtiisa helno. Wasiirka iyo xubno kale oo uu hoggaaminayo ayaa hadda ku sugan magaalada Moscow ee Ruushka, halkaas oo uu kulammo iyo shirar kula leeyahay wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Waa masuulkii ugu sarreeyay Soomaaliya ee booqasho ku taga Ruushka, tan iyo markii markii uu bilowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

XIGASHO BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here