Safaarada Somalia ee Kenya oo fariin u dirtay dadkii ay adeegyada u haysay

safiir tarsan

Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isu diyaarineysa in albaabada loo xiro gebi ahaanba, waxeyna joojisay dhammaan adeegyadii ay u heysay dadka Soomaaliyeed ee dalkaas dariska ah ku sugan.

Xafiiska wuxuu soo saaray qoraal uu dadka ku ogeysiinayo iney fulinayaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, kaas oo xiriirka diblomaasiyadeed ay ugu jartay Kenya, waxaana gabi ahaan la hakiyay hawlahii ay bulshada u heysay.

Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee hawlaha looga hayay xafiiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa loo sheegay iney soo xaadiraan Khamiista si loogu wareejiyo documents-kooda.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay, qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Arinkaan wuxuu daba socdaa go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jarta Kenya iyadoo ku eedeyneysa iney arrimaha siyaasadeed ee dalkaas ay soo faragaliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here