Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israel oo isagoo meyd ah laga dhex helay gurigiisa

amb Du Wei

Warbaahinta Israel ayaa warineysa in gurigiisa laga helay isagoo meyd ah safiirkii Shiinaha u fadhiya magaalada Tel Aviv, mana jirto sabab la ogyahay oo ka dambeysa dhimashadiisa.

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii safiirkaan la magacaabay, wuxuuna kasoo shaqaayey wadanka Ukraine ka hor inta aan la keenin Israel.

Mr. Du Wei oo da’diisa lagu sheegay 58-jir ayaa meydkiisa laga helay sariirtiisa iyadoo booliiska ay durba billaabeen baaritaanno arrintaan la xiriira, waxaana jirta in ilo wareedyo caafimaad ay mid ka mid ah taleefishinada Israel u sheegeen inuu mas’uulkaan geeriyooday isagoo hurda.

Shaki badan ayey dhalin kartaa dhimashadiisa maadaama la ogyahay inuu si cad u dhalleeceeyay wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo Shiinaha ku weeraray qaabka ay ula tacaaleen fayrus-ka dunida dhibaateeyay ee Corona

Safaaradda uu masuulka ka ahaa Mr. Du Wei ayaa dhalleeceysay hadalka kasoo yeeray Mike, waxaana lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here