Saldhiga ciidanka Kenya ee Hoosingow oo la duqeeyey

kenyan army

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu duqeeyey saldhigga ciidanka Kenya ee ku yaalla deegaanka Hoosingow.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ciidamada Kenya ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, iyada oo dadka ay sheegen inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay khasaare lixaad leh ku gaarsiisay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose ka socda howl-gallo ay wadaan ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta e ku yaalla gobollada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here