Saraakiil iyo askar ka tirsanaa Jubaland oo isu dhiibay DF, xog-na bixiyey

saraakiil jl xooga ku biiray

Ciidamo uu hoggaaminayo Taliyihii ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee magaalada Dhoobley Daa’uud Macalin Gaab ayaa iska dhiibay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda federaalka ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay ciidamadaas, waxaana warbaahinta la hadlay taliyihii hoggaaminayey Daa’uud Macalin oo ka sheegeeyey sababta ay uga soo bexeen Jubbaland.

Waxa uu sheegay in markii ay ka soo baxeen Dhoobley ay xoog ku soo dhex mareen illaa 15-magaalo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kadib markii sida uu sheegay ay madaxda Jubbaland ku amreen inuu ciidankiisa ka dagaal geliyo xuduuda Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa askartii qabsatay 10-sano ka hor magaalada Kismaayo, waa intii aan la aas-aasin maamulka Jubbaland, balse maamulkii uu intaas la shaqeynayey uu hadda ka diiday inuu dagaal kala hor tago ciidamada ay dowladda federaaku geysay Gedo.

“30-sano ayey Soomaaliya burbur iyo qalalaase ku soo jirtay, maanta oo calankeedii uu taagan yahay, in askar Soomaaliyeed lagu abaabulo gudaha dalka Kenya, si ay ula dagaalamaan oo looga hor geeyo calankii Qaranka, waa noo suurta geli waayey fikirkaas,” ayuu yiri Taliye Daa’uud Macalin.

Hoos ka Daawo

https://www.facebook.com/watch/?v=262618918547304

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here