Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkooda oo la soo bandhigay

shabaab sarkaal

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta saraakiil ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay gudaha degmada Garbaahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Saraakiisha oo labo ahaa, islamarkaana hubeysnaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Guuliye Xareed Muxumed iyo  Cabdalle Naasiri Ibraahim.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in raggaasi ay xiriir la soo sameeyeen, ka hor inta aysan soo goosan, islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka sheegeen in xubnahaasi loo gudbin doono laamaha qaabilsan, islamarkaana in muddo ah lala socon doono dhaq dhaqaaqooda.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-Shabaab oo ku aadan raggaasi la sheegay in ay dhankooda ka soo goosteen.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here