Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Haramcad oo ku dhintay hawlgal burcad-sifeyn ah

Ccasiis Axmed mguur haramcad

Mid ka mid ah saraakiisha da’yarta oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta ku geeriyooday hawlgal burcad-sifeyn ah oo ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho.

Rabbi Naxariistii Jano haka waraabiyo Marxuunka Cabdicasiis Axmed Maalin Guur waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa Askari si daacad ah ugu adeegaayey Dalkiisa iyo dadkiisa, Naxariis iyo debecsanaana u muujin jiray shacab.

Dagaalka oo u dhaxeeyey ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo koox maleeshiyaad ah oo tilmaantooda lagu soo koobay (Macawiisley), ayaa labadii dhinacba waxaa ka soo gaaray khasaare aan la faahfaahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here