SAUDI ARABIA oo shuruud ku xirtay soo celinta xiriirka Israel

saudi flag

Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurtagalka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israel uu ku xiran yahay horumarka geeddi-socodka nabadda Falastiin.

Amiir Faisal bin Farhan oo maanta la hadlay warbaahinta CNN, ayaa sheegay in xiriirka Israel oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah.

“Waxay aad u caawin laheyd gobolka, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska haddii la helo dowlad Falastiin ah oo dhulkeeda uu ku saleysan yahay xuduudihii 1967, ka hor dagaalkii Israel iyo Carabta.

“Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii aan kal hor sheegnay,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan.

“Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan,” ayuu yiri.

Boqortooyada Sacuudiga waxey muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israel, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah.

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriirka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here