Sawirradii ugu xiisaha badnaa ee caalamka laga sameeyay isbuucan

sawirka usbuuca

Sawirradii ugu xiisaha badnaa ee caalamka laga sameeyay isbuucan

Gabadha reer Talyaani ee garaacda muusiga violin-ta Fiamma Flavia Paolucci oo bandhig ku sameyneysaisbitaalka Tor Vergata ee magaalada Rome, taasoo dabaaldagga maalinta caalamiga ah ee kalkaaliyeyaasha qeyb ka ahayd ee ku beegneyd 12 May.

Isla maalintaas, gobolkii fayraska laga helay markii ugu horreysay, kalkaaliyeyaasha Shiinaha ayaa u istaagay qaab sawirrada qalbi, iyagoo wacad ku maraya shaqadooda xilli ay ka qeyb galayeen munaasabad ka dhacday isbitaalka Tongji ee magaalada Wuhan, ee gobolka Hubei province.

Dad u hoggaansamaya talada kala fogaandhaha bulshada, iyagoo waliba ku dhex jira wiish lagu fuulo dhismaha Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku taalla magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka.

Gabadha ka qeyb gasha tartanka baabuurta ee Formula 3, Sophia Floersch ayaa gurigeeda ku tababaraneysa waxayna computerka ku kaxeyneysaa gaari, xilli uu Covid-19 ka dillaacay magaalada Grünwald ee u dhow caasimadda Munich.
Gabadha ka qeyb gasha tartanka baabuurta ee Formula 3, Sophia Floersch ayaa gurigeeda ku tababaraneysa waxayna computer-ka ku kaxeyneysaa gaari, xilli uu Covid-19 ka dillaacay magaalada Grünwald ee u dhow caasimadda Munich.
Rakaab xiran maaskaro oo saaran tareen mara khad dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla magaalada London, kaddib markii dowladda UK ay ku dhawaaqday qorsheyaal waddanka looga saarayo xayiraadda. Waaxda gaadiidka ee London ayaa sheegtay inay fileyso khasaare dhan £4bn oo ay sanadkan ku weysay saameynta coronavirus.

Horyaalka Olympic-da iyo caalamka ee orodka masaafaha dheer Mo Farah oo ku tababaranaya beerta Richmond Park, ee magaalada London.

Nin jeermiska ka dilaya kaniisadda Basilica di Santa Maria ee ku taalla xaafadda Trastevere ee magaalada Rome. Kaniisadaha Talyaaniga ayaa la furayaa maanta oo ah 18-ka May.

Dad si geesinnimo leh ugu bareeray roob iyo dabeylo xooggan xilli ay ku dhex lugeynayeen geedo xididka u siibmay oo ku yaalla magaalada Can-avid ee ka tirsan bariga gobolka Samar ee bartamaha dalka Philippines. Duufaanta Vongfong waxay billaabatay 14 May, iyadoo kalliftay in kumannaan qof laga daad gureeyo goobihii ay dagganaayeen xilli uu socdo fiditaanka xanuunka Covid-19.

Shaqaale maaskaro xiran oo ka howlgalaya warshad telefoonnada lagu farsameeyo, kaddib markii xayiraaddii laga khafiifiyay meelo ka mid ah gobolka Noida, ee dalka Hindiya.

Ubaxa ugu weyn ubaxyada adduunka ka baxa ayaa isku kala fidinaya beer lagu nasto oo ku taalla magaalada Meise, ee dalka Belgium. Ubaxan oo caan ku ah inuu si xun u uro, wuxuu dhirir ahaan gaari karaa ilaa 3m. Dhowr sano ayuu ku dhameystirmi karaa bixitaankiisa.

Dhammaan xuuqda sawirrada waxaa loo kala leeyahay sida ay u kala calaameysan yihiin.

Xigasho. BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here