Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta shiriyey golahiisa wasiirada

golaha axmed madoobe

Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo diirada lagu saaray amniga, dastuurka, dib u dhaca ku yimid xafladddii caleema saarka iyo arrimo kale.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka dooday xaalada ammaanka deegaanada Jubbaland, iyadoona golaha amniga heer dowlad goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca cusub ee sugida nabadgalyada, taas oo ay ku shaqaynayaan hay’adaha nabad gelyada maamulkaasi.

Waxa kale oo guluhu warbixin ka dhageystay wasaaradda dastuurka, taas oo la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee dalka.

Sidoo kale golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka dooday dadaalka wasaaradda arimaha gudaha maamulkaasi ay ku bixinayso sidii loo soo gabagabeyn lahaa dhammaan tabashooyinkii ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo.

Arrimaha kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah dib u dhicii ku yimid xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe oo lagu waday in shalay la qabto.

Golaha ayaa sheegay in wakhti kooban kadib la qaban doono, islamarkaana dhowaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan marti sharaf kala duwan .

Ugu dambeyn golaha ayaa ka hadlay xariga wasiirkooda amniga, Cabdirashiid Janan oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo faray hay’ada garsoorka Jubbaland in arintaasi ay ku bixiyaan dadaal dheeri ah oo lagu soo deynayo wasiirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here