Sawirro: Ciidanka Haramcad oo laga saaray Dhusamareeb

Haramcad1

Ciidamada Booliska Haramcad oo ay dowladda Federaalka geysay caasimadda Galmudug ayaa goor dhaw laga soo qaaday iyadoo la fulinayo shuruud la sheegay iney ka timid madaxweynayaasha labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland.

Sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayo magaalada Dhuusamareeb ku dhawaad 200 Askari oo ka tirsan Ciidamad Haramcad ayaa diyaarad looga soo qaaday, waxeyna kusoo wajahan yahiin magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa ka qeyb qaatay xasilinta amniga magaalada Dhuusamareeb, waxeyna ka shaqeeyeen iney doorasho ka dhacdo caasimadda taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Ilo-wareeydo ayaa Caasimada Online u sheegay in amarka lagu soo qaaday ciidankan uu bixiyey ra’iisul wasaare Kheyre.

Maamulka Galmudug ayaa dhabarka u ritay inuu marti soor u noqdo shir ay yeelanayaan shanta maamul goboleed ee hoos yimaada dowladda Federaalka, waxeyna arintaan gogol xaar u tahay in la isugu yimaado shirka Amniga qaranka ee looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, xasiloonida iyo dhameystirka dastuurka.

Goor sii horreysay oo maanta ah madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Dhuusamareeb, halka madaxweynayaasha kale la filayo iney gaaraan.

Waxaa si weyn loo sugayaa imaatinka Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam kuwaas oo ah laba xubnood oo sababtood loo qabanayo shirka ka dhacaya Dhuusamareeb maadaama ay si cad u diideen iney ka qeyb galaan shirkii Amniga Qaranka uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay balse dib ka baaqday.

DAAWO SAWIRADA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here