SAWIRRO: Diyaarado Joog hoose ku duulayo oo buufinta Ayaxa ka bilaabay Puntland

Helicopter1

Diyaaradahaan oo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Puntland ku wareejisay ayaa waxaa ay buufinta Ayaxa Maanta oo Talaado ah ka bilaabeen deegaanka Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.

Degaanka ay buufinta ka bilaabeen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhibaato daran ku haayay Ayaxa, waxaana dadka deegaankaas ay sheegeen in beero badan uu baabi’iyay, isla markaana ay Cabasho u gudbiyeen Madaxda Puntland.

Diyaaradaha buufinta ka bilaabay deegaannada Puntland oo laba kamid ahi yihiin kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa waxaa 15-kii Bishaan ay gaareen Magaalada Garoowe,waxaana Mashruucaas lagu buufinayo Ayaxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Buufinta Ayaxa ee deegaannada ka tiran Puntland ayaa waxaa ay socon doonaan muddo 10 maalmood ah, waxaana sidoo kale ay buufin ka sameyn doonaan deegaannada Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here