Sawirro Ergayga QM ee Geeska Afrika oo ka hadlay safarkiisii Muqdisho

Geeska Afrika Onanga Anyanga1

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Onanga-Anyanga oo dhowaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey socdaalkiisii Soomaaliya.

Mr. Onanga-Anyanga ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa mid uu ku indho indheynayey xaaladda guud ee Soomaliya, gaar ahaan amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan u tagey Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” ayuu yiri Ergeyga.

Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa xusay in intii uu joogay Muqdisho kulamo uu la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo heer Qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga, doorashooyinka, horumarka iyo gargaarka.

Ergeyga QM ee Geeska Afrika ayaa si gaar ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yarey) kala hadlay arrimo ku aadan doorashada soo socota iyo kalsoonida lagu qabo inay noqoto mid hal qof hal cod ah.

“Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin Qaran, laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay.” ayuu yiri Mr. Onanga-Anyanga.

Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey horumarka ka jira dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sanadkaan 2020-ka Soomaaliya u yahay mid muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here