Sawirro Farmaajo oo magaalada Kinshasa gaaray

farmaajo Kinshasa1

Muqdisho, Abriil 19, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Injiili ee dalka Koongo Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here