Sawirro: Laba nin oo weerar ka fuliyey Muqdisho oo la qabtay lana soo bandhigay

maxaabiis shabaab

Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen laba nin oo la sheegay in ay falal amni-darro ka gaysteen Magaalada Muqdisho.

Labadan nin ayaa ka mid ahaa Shabaab hubeysan oo xalay soo weeraray bar kontorool, oo laga ilaaliyo amniga Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Goobta Ciidamada Dowladda ay ku soo bandhigeen labadaasi nin ayaa waxaa Warbaahinta kula hadlay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in raggaasi ay horgayn doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga u waafajiso.

Raggan lagu eedeeyay inay xaalad abuur ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mid ka mid ah la soo bandhigay isagoo dhaawac ka qaba lugta midig.

Arbacadii ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay laba nin oo kale oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay Degmada Wadajir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here