Sawirro Marwada koowaad ee Soomaaliya oo booqatay Dhaawacyada Qaraxii Muqdisho

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa xalay booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye Magaalada Muqdisho.

Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Erdogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa.

Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye , waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin.

Marwada Qaranka ayaa tacsi u dirtay ehelada muwaadiniintii ku shihiiday Qaraxii Ex-Kaantarool, waxa ayna ku baaqday in si mugleh loo garab istaago ubadka iyo qoysaska ay ka tageen oo ay u ahaayeen isha nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Ugu dambeyn, Marwada koowaad ee dalka ayaa u mahadcelisay dowladaha aan walaalaha nahay ee gurmadka caafimaad ee degdega ah lasoo gaaray muwaadiniinteenna ku dhaawacmay, waxa ayna tilmaamtay in garab istaaggoodu aanu ka go’ayn xusuusta dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here