Sawirro RW Kheyre oo booqday xarunta gurmadka degdegga ah iyo isbitaalka Erdogan

kheyre booqasho cusbital

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubbaridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Kheyre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee shalay uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here