Sawirro: RW Kheyre oo sagootiyey ciidamo loo diray howl-gal DAGAAL

sagootin ciidan1

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Sida qoraalka lagu sheegay, ciidankan oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay “naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in argagaxisada ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.”

“Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka argagaxisada, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.”

“Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga iyo boobka hantida ummadda Soomaaliyeed.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here