Sawirro Shacabka Muqdisho oo si mucjiso ah u dhaqangeliyey bandowgii Dowladdu ku dhowaaqday

bando covid19 muqdisho1

30 Sanadood ee la soo dhaafay oo magaalada Muqdisho ku caanbaxday amardiido iyo fowdo ayaa xalay shacabka Gobolka Banaadir waxay si aan kala har lahayn oo filanwaa ah u fuliyeen amarkii Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Bandowga habeenkii soconaya.

Shacabka Gobolka banaadir ayaa markii waqtiga Bandowga la gaaray guryahooda ku xerooday, laamiyada iyo wadaayinka Muqdiso ayaa noqday kuwo haawanaya oo aan cidna maray, marka laga roobo Ciidamada Ammaanka oo gaafwareegaya, meheradihii ayaa albaabada xidhay, shacabka ayaa ciidamada amaanka ka caawiyey in bandowgu dhaqan galo, mudo yar ayaa muqdisho laga waaweyn dhaqaaqil aan Ciidamada ahayn, Dhaqangalka Bandowgan ayaa aad uga fiicnaaday kuwo Caasimadaha kale ee caalamka.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadan u qaaday, ka hortagga faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dadka reer Muqdisho ka codsaday inay u hoggaansamaan awaamiirta qaranka.

Sida bandowgu xalay Muqdisho uga hirgalay waxay muujinaysa isbedelka iyo horumarka Reer Banaadir, sidoo kale waxay fariin iyo u quus-goyn u noqonaysaa cidkasta oo rajo ka qabtay inay dadka qabiil iyo caadifad ku kaxaysan karto.

Bandowga oo bilaabanaya 8:00 fiidnimo habeen kasta ayaa ku eg xilliga waabariga ee 5:00am. Bandowga wax saamayn ahi kuma yeelan doono goobaha lagu iibiyo raashiinka, gaadiidka gurmadka deg-degga iyo xarumaha caafimaadka.

Muuqaalo laga soo qaaday wadooyinka ayaa muujinaya sida ay wadooyinka u haawanayan, marka laga soo taggo in ay ku sugan yihiin ciidamada amniga, ee dhaqangalinta bandowga xaqiijinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here