Sawirro: Turkiga oo muwaadiniintiisa xalay kala baxay Soomaaliya iyo Soomaali lasoo celiyey

qaadis dad turkish

Dowladda Turkiga ayaa xalay muwaadiniinteeda kala baxday magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in tallaabadan la qaaday ayada oo ay qeyb ka tahay taxaddarka madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ee looga hortagao faafitaanka cudurka Coronavirus.

“Sababo la xiriira taxaddarada uu madaxweynaha qaatay si looga hortago faafitaanka COVID-19, muwaadiniinteena ku sugnaa Soomaaliya, waxaa si ku-meel gaar ah looga qaaday Muqdisho laguna celiyey Turkiga, si waafaqsan amarka dhammaan muwaadiniinteena ku sugan dibedda lagu keenayo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda ma aysan shaacin tirada muwaadniinta la waday, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow ayaa sheegay inay ahaayeen illaa 101 muwaadin.

Dhinaca kale, diyaaradda qaaday muwaadiniinta Turkiga ee Turkish Airlines ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dejisay dad Soomaaliyeed oo ay kasoo qaaday dalka Turkiga.

Illaa 58 qof ayaa la sheegay inay la socdeen diyaaradan kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira dalal kale oo caalamka ah oo ay ku xayiranyihiin dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day.

Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor guddi u xil saartay inay kasoo tala bixiyaan sidii dalka loogu soo daabuli lahaa muwaadiniinta ku xayiran wadamada caalamka.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ku xayiranyihiin wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here